Ciidamada Janan iyo Haramcad oo dagaalamay; khasaaro ka dhashay

Image

BELEDXAAWO, Jubaland – Ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, iyo kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Haramcad, ayaa lagu waramay in ay maanta ku dagaalameen Beledxaawo.

Iska hor-imaadka ayaa lasoo wariyey in uu ka dhacay nawaaxiga xadka Kenya gaar ahaan inta u dhaxeysa BB1 iyo degaanka Aamiin.

Dadka degaanka ayaa tibaaxay in ay maqleen daryenka rasaas culus isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda Janan ay ka yimaadeen dhanka sohdinta, balse lama ogga cidda bilowday xabada.

Warbixino kale ayaa soo jeedinaya in askarta Janan ay wehliyeen kuwa kale oo ka tirsan milatariga Kenya, wallow aan la xaqiijin.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan isku-dhacaan oo kasoo baxay labadda daraf ee dirirta colaadeed ay dhexmartay.

Horaantii sanadkan 2020 ayay ahayd markii dhinacyadda ay ku dagaalameen Beledxaawo gaar ahaan meel ku dhow xuduudka Mandeera, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Cabdirashiid Janan waxaa baadigoobeysa Dowladda federaalka oo xustay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho. Balse, isagu wuxuu isku arkaa siyaasi aan waxba galabsan oo dusha laga saarayo eed uusan lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM