Ciidamo katirsan dowladda Somalia oo ku dagaallamay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan millatariga iyo Nabad suggidda ayaa xalay ku dagaallamay degmada Hodon ee gobolka Banaadir xilli NISA ay howl gal ka waday nawaaxiga Tarabuunka.

Agagaarka Tarabuunka, waxaa fariisin ku leh ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay isku dhacaas oo muddo kooban socday.

Wararka ku saabsan dirirta labada ciidan ayaa sheegaya inuu yimid kadib markii ciidamada NISA howlgalkan billaabeen iyadoo kuwa Milatariguna goobta ku suganyihiin.

Majirto wax faah faahin oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dagaallamay. Lama oga waxa isku dhaca ciidamada keenay.

Dagaalka ayaa istaagay kadib markii ay soo kala dhex-galeen saraakiil katirsan dowladda Federaalka Somalia.

Taliyaha hay’adda Sirdoonka oo dhawaan la magacaabay ayaa wacad ku maray inuu Muqdishu ka bilaabi doono howlgal ka dhan ah dadka hubaysan ee wata qoryaha  sharci darrada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM