Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya oo qarax lala beegsadey

Image

MUQDISHO- Ugu yaraan Shan askari ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen, kadib markii Qarax miino oo xoogan lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM, inta u dhaxeysa Magaalooyinnka Baydhabo iyo Bardaalle ee gobolka Baay, ee Koonfurta dalka Soomaaliya, siday sheegeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in ciidamada Qaraxa lagu weeraray ay kasoo jeedaan dalka Itoobiya, islamarkaana ay kasoo baxeen xerro ciidan, inkasta oo ay ka gaabsadeen inay xaqiijiyeen khasaaraha ay sheegayaan dadka.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid aad uculus. Waxaana laga maqlay tuulooyinka ku dhow meesha ay wax ka dhaceen. Aniga waxaa arkay meydka Shan askari, iyo kuwa kale oo dhaawac ah,” Goobjooge magaciisa khariyay ayaa sidaas Telafoonka ugu sheegay Warsidaha Garowe Online.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaraxa uu saameeyay mid kamid ah Gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada Itoobiyaanka ah, islamarkaana ay xigtay Rasaas xoogan oo ay is-dhaafsadeen Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada Kolanyadda la socotay.

Kooxda Al-Shabaab oo mas'uuliyadda weerarkaan dusha saaratay ayaa war qoraal ah oo ay kasoo saartay waxay shaaca ka qaaday inay ku gaarsiisay ciidamada Itoobiyaanka ah khasaaro xoogan, inkasta oo aysan cayimin inta uu ay la egtahay dhimashada iyo dhaawaca.

Howgalka Nabad illaalinta Soomaaliya ee AMISOM wali war kama aysan soo saarin weerarkaan, laakiin xiriiro uu GO la sameeyay waxay ku sheegeen inay wadaan baaris ku saabsan khasaaraha uu geystay weerarka ayna dib kasoo bandhigi doonan macluumaadka weerarkaan.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo Qaraxyo ku beegsaday Kolanyadda ka tirsan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo kuwa Ajaaniibta ah ee ka tirsan howlgalka AMISOM, kuwaasoo ka dhasha khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shalay ayay ahayd markii weerar Is-miidaamin oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay in ka badan labo qof oo uu ku jiro Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya, xili mas'uuliyadda Qaraxaan ayaa sheegatay kooxda xiriirka la leh Urur-waynaha Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM