Ciidamada NISA oo xoog kula wareegay Madaxtooyada Cadaado

Image

CADAADO, Somalia- Ciidamo katirsanHay'adda Nabad Sugida Somalia ee (NISA), ayaa xoog kula kala wareegay Madaxtooyada maamulka Galmudug ee Cadaado, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya GO.

Ciidamada Gadoodsan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha ciidamada NISA ee degmada Cadaado, oo lagu magacaabi Shariif, waxaana wararka ay sheegayaan inay Askarta ka cabanayaan mushaar la'aan.

Ciidamada ayaa kusoo rogay xayiraad dhaq-dhaqaaqa Madaxda sare ee Galmudug, oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carabeey oo ay u diideen inuu ka baxo Madaxtooyada.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya inay socdaan dedaallo lagu qancinayo ciidamada gadoodka ah, si ay uga baxaan xaruunta mdaxtooyada Galmudug, waxaana kulan uu u socdaa Taliyaasha ciidanka iyo Madaxda maamulkaasi.

Xaaladda Cadaado ayaa aad u cakiran maanta, kadib markii ciidamada ay hareeyeen Madaxtooyada.

Waa Gadoodkii labaad oo ciidamada ay ka sameeyaan Cadaado bilooyinkii ugu dambeeyay iyagoo ka cawanaya mushaar la'aan, iyo xuquuq kaga maqan dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM