Ciidamada oo soo afjaray weerarkii xarunta gobolka Banaadir

Image
Dableyda weerarka fulisay ayaa ahaa lix, sidda xukuumadda federaalka Soomaaliya ay shaacisay

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka Al-Shabaab ku gashay xafiiska duqa caasimada Muqdisho. Shan qof ayaa ku dhimatay, afar kalana way ku dhaawacmeen, sidda ay sheegtay dowladda.

Dableyda weerarka fulisay ayaa ahaa lix, sidda xukuumadda shaacisay. Waa markii labaad oo xarunta gobolka Banaadir la weeraro shan sano gudaheeda. Markii ugu dambeysay waxay ahayd bishii July 24-keeda sanadkii 2019-kii.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Muqdisho, 22 January 2023: Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen. Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.

Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM