Ciidamada oo maciin-biday badda xili ay Al-Shabaab kordhisay qaraxyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doon ay saarnaayeen askar iyo hub ayaa Axada maanta ah ku degtay meel dhowr mile u jirtay dekadda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in xoogaga oo tirsanaa guutadda 14-ka October ay tiradoodu gaareysay 13 oo uu ku jiro taliyihii guutaddaas.

Gaashanle Axmed Cabdi Cali [Gaashaan] iyo tobban kamid ahaa askarta ayaa lasoo badbaadiyey, sidda uu sheegay taliska, waxaase la baadigoobayaa saddexda kale.

Doonyo nooca dheereeye ah ayaa waxaa loo diray gobolka si ay ugu biiraan howlgaladda lagu raadinayo askarta maqan ee aan wali raq iyo ruuxda lagu haynin.

"Shilka qabsaday difaaca dalka ayaa ka dhacay xeebta degaanka Cad-caddey," ayaa lagu yiri qoraalka, oo eheladda askartaas lagu wargeliyay "in ay is-dejiyaan ayna naga war-sugaan".

Waa markii ugu horeysay inta la og-yahay uu shil noocaan ah qabsado Ciidamadda Soomaaliya oo u muuqda in ay maciin-badeen badda markii ay kordheen qaraxyada Al-Shabaab.

– Naadir –

Isticmaalka gaadiidka badda oo ah wax naadir ku ah Ciidamadda Soomaaliya ayaa ka dambeysay markii ay Al-Shabaab kordhisay weeraradda Miinooyinka oo dhimasho keena.

Tobanaan askari ayaa ku dhimatay qaraxyo ciidanka lagula eegtay gobolka Shabeellaha Hoose bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana xubnaha ku naf-waayey ku jiray saraakiil sar-sarre.

Askartii ugu dambeysay ee baxda Miinooyinka oo lagula eegtay duleedka Muqdisho gaar ahaan Weydow iyo Siinka Dheere bishii hore ayaa ka kala tirsanaa Danab iyo Haram-cad.

Danab, oo kumaandooska ka tirsan, ayaa waxaa si gaar ah tababar u siiya ciidanka Mareykanka ee jooga xeradda diyaaradaha milatariga ku degaan ee Beladoogle.

Haram-cad oo ah booliska sidda gaarka ah loo tababaray ayaa waxaa soo saara Turkiga, waana qayb kamid ah dufcadihii ugu horeeyay ee kasoo baxa Saldhiga weyn ee TURKSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM