Ciidamada Somalia oo dilay horjooge katirsan ururka Al Shabaab

Image

TULO BARWAQO- Horjooge sare oo ka tirsanaa malleeshiyada Al shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada dowladda Somalia ka fuliyeen Tuulo-Barwaaqo, oo ku taalla gobolka Gedo, kuna dhaw Xuduuda Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey Imaan Cadow Kaarshe, ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in ciidamada ay dileen Horjooge Cabdullaahi Qanaas, oo Al shabaab ugu qaabilsanaa howlgalka gobolka Gedo.

Wuxuu intaas ku daray in ninkaasi geeriyooday kadib markii ciidamadu weerar ku qaadeen Guri uu ka deganaa Tuulo-Barwaaqo, oo qiyaastii 19KM u jirto magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo.

"Weerarka wuxuu dhacay markaan ka warhelnay in C/llaahi Qanaas iyo Hogaamiye kale oo Al shabaab u qaabilsan Tababarka ay xalay soo geleen deegaanka, islamarkaana ay doonayeen inay saakay u safraan saldhig ay Tababar ugu soo xiri rabeen Dagaalyahanao cusub," Ayuu yiri Gudoomiyaha Garbahaarey.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka  Qanaas.

Wararka ayaa xusaya in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Kenya howlgal ka dhan ah Al shabaab kawadaan deegaanada ku yaalla gobolka Gedo, ee ku dhaw Xuduudka dalkaasi Kenya.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada Kulbiyow, kaasoo lagu dilay in ka badan 50 Askari, oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM