Ciidamada Somalia oo dilay horjooge katirsan ururka Al Shabaab

Image

TULO BARWAQO- Horjooge sare oo ka tirsanaa malleeshiyada Al shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada dowladda Somalia ka fuliyeen Tuulo-Barwaaqo, oo ku taalla gobolka Gedo, kuna dhaw Xuduuda Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey Imaan Cadow Kaarshe, ayaa Warsidaha GO u xaqiijiyay in ciidamada ay dileen Horjooge Cabdullaahi Qanaas, oo Al shabaab ugu qaabilsanaa howlgalka gobolka Gedo.

Wuxuu intaas ku daray in ninkaasi geeriyooday kadib markii ciidamadu weerar ku qaadeen Guri uu ka deganaa Tuulo-Barwaaqo, oo qiyaastii 19KM u jirto magaalada Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo.

"Weerarka wuxuu dhacay markaan ka warhelnay in C/llaahi Qanaas iyo Hogaamiye kale oo Al shabaab u qaabilsan Tababarka ay xalay soo geleen deegaanka, islamarkaana ay doonayeen inay saakay u safraan saldhig ay Tababar ugu soo xiri rabeen Dagaalyahanao cusub," Ayuu yiri Gudoomiyaha Garbahaarey.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka  Qanaas.

Wararka ayaa xusaya in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Kenya howlgal ka dhan ah Al shabaab kawadaan deegaanada ku yaalla gobolka Gedo, ee ku dhaw Xuduudka dalkaasi Kenya.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadey saldhigga ciidamada AMISOM ku lahaayeen degmada Kulbiyow, kaasoo lagu dilay in ka badan 50 Askari, oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM