Ciidamada Soomaaliya oo 16 Sano ka dib la wareegaya amniga madaxtooyada

Image
Munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Afrikaanta ayaa lagu qaban doonaa xarunta madaxtooyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa 16-sano ka dib baneyn doona berri oo Axad ah fariisimaha ay ku leeyihiin xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Ciidamada ATMIS ayaa sanadihii la soo dhaafay ku howlanaa sugida ammaanka xarunta Madaxtooyada oo ay ku jiraan xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale xarunta Baarlamaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa tilmaamay in Ciidamada Qalabka Sida ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda sugidda ammaanka xarumahan, ka dib marka ay isaga baxaan ciidamada Afrikaanka ah.

Waxaa xusid mudan in maalinta berri oo Axad ah xarunta madaxtooyada lagu qaban doono munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Afrikaanka ah oo loogu mahadcelinayo dadaalka ay ugu jireen xaqiijinta amniga xarumo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM