Ciidamada Soomaaliya oo dilay xubno Al-Shabaab u qaadayay canshuur

Image

BAARDHEERE, Gedo – Ugu yaraan 11 kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal laga fuliyey gobolka Gedo, sidda ay sheegeen ciidamadda Soomaaliya.

Cali Maxamed Xasan, taliyaha qeybta 49aad guutada 10aad, ayaa shaaciyey in howlgalka uu ka dhacay duleedka Baardheere, xarunta gobolkaas.

Sidda laga soo xigtay Xasan, goobta ay beegsadeen, maleyshiyaadka ayaa dadka si qasab ah kaga qaadayay lacago baad ah oo ay ula baxeen Zakawaad.

"Iska hor-imaad culus ayaa dhacay, laakiin aakhiritaankii ciidankeenu waa ay ka saareen magaaladda," ayuu hadalkiisu ku daray.

Xoogaga dowladda ayaa soo furtay 300 xoolo oo ay Shabaabku dadku kaga qaateen si awood ah, sidda uu xusay taliyaha.

"Xubno argagixisadda kamid ah ayaan sidoo kalena nolosha ku qabanay," ayuu hadalkiisa ku daray Cali oo u waramay warbaahinta.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dadweynaha si qasab ah uga qaada lacago baad ah, taasi oo ay ku maalgeliso howlgaladeeda.

Bishaan October 7-deeda sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii ciidamadda Jubbaland ay khaarijiyeen 24 ka tirsanaa Al-Shabaab ayna dhaawacmeen 19-ka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM