Ciidamada Soomaaliya oo dilay xubno Al-Shabaab u qaadayay canshuur

Image

BAARDHEERE, Gedo – Ugu yaraan 11 kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal laga fuliyey gobolka Gedo, sidda ay sheegeen ciidamadda Soomaaliya.

Cali Maxamed Xasan, taliyaha qeybta 49aad guutada 10aad, ayaa shaaciyey in howlgalka uu ka dhacay duleedka Baardheere, xarunta gobolkaas.

Sidda laga soo xigtay Xasan, goobta ay beegsadeen, maleyshiyaadka ayaa dadka si qasab ah kaga qaadayay lacago baad ah oo ay ula baxeen Zakawaad.

"Iska hor-imaad culus ayaa dhacay, laakiin aakhiritaankii ciidankeenu waa ay ka saareen magaaladda," ayuu hadalkiisu ku daray.

Xoogaga dowladda ayaa soo furtay 300 xoolo oo ay Shabaabku dadku kaga qaateen si awood ah, sidda uu xusay taliyaha.

"Xubno argagixisadda kamid ah ayaan sidoo kalena nolosha ku qabanay," ayuu hadalkiisa ku daray Cali oo u waramay warbaahinta.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dadweynaha si qasab ah uga qaada lacago baad ah, taasi oo ay ku maalgeliso howlgaladeeda.

Bishaan October 7-deeda sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii ciidamadda Jubbaland ay khaarijiyeen 24 ka tirsanaa Al-Shabaab ayna dhaawacmeen 19-ka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM