Ciidamada Soomaaliya oo "galay" degmadda Xarardheere

Image
Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka baxay degmadan maalmo kadib markii uu fuulay culeys milatari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah galay degmadda Xarardheere ee koonfur gobolka Mudug. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa maalmo kahor ka baxay magaaladan.

Sidda laga soo xigtey warbaahinta ku hadasha afka dowladda, askarta iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegay in ay wadaan hubin ku saabsan amniga gaar ahaan haddii qaraxyo loogu aasey gudaha.

Dhinaca kale, ciidamadda iyo kacdoonka shacabka ayaa isla maanta degaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Galmudug.

"Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada Bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso Degmada Galcad," ayay tiri Madaxtooyadda.

Bayaanka ayaa raaciyey: "Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo Degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud, ayadoo sidoo kale horey loo xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masaggawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab".

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Howlgalada ka soconaya qaybo kamid ah Soomaaliya ayaa ku bilowday amar uu bixiyey madaxwayne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka la wareegay isaga oo balanqaadey jabinta Al-Shabaab sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM