Ciidanka Soomaaliya oo ka hayaamay degaan ay dagaal ku qabsadeen

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ayaa faarujiyey degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay dagaal ugala wareegeen ururka Al-Shabaab, sidda ay sheegeen dadka degaanka.

Dadka degaanka oo lasoo xiriiriyey warsidaha Garowe Online ayaa tibaaxay in askarta ay u ruqaansadeen dhanka saldhiga Balidoogle ee gobolkaas.

"Waxaa ka cabsi qabnaa in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan degaanka oo ay xir-xiraan dhalinyaradda ama ay qaarkoodba dilaan sidda ay sameeyaan marka laga saaro degaan oo ay ciidanka baxaan," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka kaasoo sababo ammaan uga gaabsaday in uu magaciisa la baahiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda oo bogga GO la xiriiriyey si ay uga jawaabaan su'aallaha ku geedaaman bixitaankooda ayaanan ka jawaabin telefoonka.

Degaanka Leego ayaa qiyaastii 44 KM waqooyi wuxuu u jiraa degmadda Wanlaweyn taasoo 90 KM u jirta magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Talaabadan ay haatan qaadeen ciidamadan ayaan ahayn mid cusub, balse waa mid soo noqnoqtay oo carqalad ku ah in si wax ku ool ah looga adkaado maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda argagixisada Al-Qaacida.

Maamulka Farmaajo ee waqtiga kasii dhacayo ayaa ku guuldareystay in uu ficil u bedelo balanqaadkiisii ahaa in uu dagaalka Al-Shabaab kusoo afjarayo muddo laba sano ah waana mid kamid ah guuldarooyinka uu gabalka ugu dhacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM