Ciidamada Soomaaliya oo u dhaqaaqay degaanada AS ka haysato Jubaland

Image
Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ka leeyahay labo ujeedo kuwaas oo khuseeya dhanka ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya oo u dhaqaaqay dhanka deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta oo Arbaca ah la wareegay gacan ku heynta deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaaray deegaanka ayaa la sheegay in ay howlgallada ka bilaabeen Afmadow iyo Janaa Cabdalla.

Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ka leeyahay labo ujeedo oo kala ah in laga sifeeyo wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow iyo in la carqaladeeyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee u dhaxeeya Jubbada Dhexe iyo Baddamadow.

Dhanka kale, ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday deegaanka Welmaro oo dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Afmadow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM