Ciidamada Soomaaliya oo u dhaqaaqay degaanada AS ka haysato Jubaland

Image
Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ka leeyahay labo ujeedo kuwaas oo khuseeya dhanka ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya oo u dhaqaaqay dhanka deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta oo Arbaca ah la wareegay gacan ku heynta deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo gaaray deegaanka ayaa la sheegay in ay howlgallada ka bilaabeen Afmadow iyo Janaa Cabdalla.

Howlgalkan ayaa la sheegay in uu ka leeyahay labo ujeedo oo kala ah in laga sifeeyo wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow iyo in la carqaladeeyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee u dhaxeeya Jubbada Dhexe iyo Baddamadow.

Dhanka kale, ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday deegaanka Welmaro oo dhanka waqooyi bari kaga beegan degmada Afmadow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM