Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay xadka Mudug iyo Galguduud

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay deegano dhaca xadka gobollada Mudug iyo Galguduud.

Howlgalkan gaar-ka ah ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaano ay ku sugan yihiin kooxda AS, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon, wuxuuna ahaa ujeedka in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan AS oo ku sugan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiy ku xigeenka madaxa Jabhadaha AS ee Mudug iyo Galguduud Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde).

Waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxaana laga soo furtay hubkii iyo agab kale oo ay wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM