Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay xadka Mudug iyo Galguduud

Image
Image
Image
Image
Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay deegano dhaca xadka gobollada Mudug iyo Galguduud.

Howlgalkan gaar-ka ah ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaano ay ku sugan yihiin kooxda AS, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon, wuxuuna ahaa ujeedka in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan AS oo ku sugan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiy ku xigeenka madaxa Jabhadaha AS ee Mudug iyo Galguduud Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde).

Waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxaana laga soo furtay hubkii iyo agab kale oo ay wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doomin Siyaasadeed Ka Hor Doorashada 2026

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo, ayaa sidoo kale wajahaya caqabado amni oo ay sababaan weerarrada kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    11-06-2025

  • 08:33AM

Dowladda Soomaaliya oo Lagu Eedeeyay Inay Dagaalka Al-Shabaab Ka Leexisay Jidkiisa

Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa si weyn uga dagaallama gobolka Hiiraan, waxayna door muuqda ku leeyihiin howlgalada lagaga saaray Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-06-2025

  • 08:31AM