Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo u dabaaldegay 53-sano guuro

Image
Waa ciidamadda u xilsaaran ilaalinta xabsiyadda waddanka. Sidoo kale, waxay safka hore kaga jiraan hay'adaha ugu faca weyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Asluubta Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay u dabaal-degeen sanad-guuradii 53-aad ee kasoo wareegatay tan iyo markii la aas-aasay.

Taliyaha ciidanka Asluubta S/guuto Cabdikariin Cali Afrax oo munaasabadda ka hadlay waxa uu sheegay in ciidankan ay laf-dhabar u yihiin sugida amniga xabsiyadda waddanka.

Afrax ayaa waxa uu kula dardaarmay ciidamadda in ay xoojiyaan adeegga ay u hayaan shacabka ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara sumcadda waajibaadkooda.

Dhanka kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale hambalyo u diray ciidamadda.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda iyo dableeyda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay markii dhidabada loo aasay 1970-kii ayaa xusay in Ciidanka Asluubta dadaal dheer ku bixiyeen ilaalinta maxaabiista, dhaqan celinta, waxbarida iyo tayeenta xirfadaha maxaabiista, isagoona tilmaamay in Ciidanka qaranka ugu jiraan meel wanagsan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta Aadan Madoobe.

Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed ayaa la aas-aasay 1969-kii. Waa ciidamadda u xilsaaran ilaalinta xabsiyadda waddanka. Sidoo kale, waxay safka hore kaga jiraan hay'adaha ugu faca weyn.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM