Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo weerar jid-gal ah lagu qaadey

Image

AFGOOYE, Koonfur Galbeed - Fahfaahino dheeri ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya lagula eegtay gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Khamiis ah.

Saraakiil ka gaabsaday in la adeegsado magacyadooda iyo codkooda ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlwaweyn.

Sidda ay xaqiijiyeen illo dhanka amniga ah, qaraxa ka dib waxaa iska hor-imaad xoogan uu dhexmaray ciidamadda iyo maleeyshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Mas'uuliyiin ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay iska hor-imaadka iyo qaraxa, balse aysan wali tirakoobin.

Warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baahisey in "askar badan" ay ku geeriyootey is-rasaaseynta oo socotay ku dhowaad 10 daqiiqo.

Dadka degaanka, oo qaybtood bilaabay in ay ka barakacaan degaanada ku dhow halka lagu dagaalamay, ayaa ku waramay in ay maqleen dhawaqa rasaas culus.

Gobolka Shabeellaha Hoose, oo dhaca koonfurta Soomaaliya isla markaana caan ku ah beeraha, ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, kuna leedahay salhigyo qarsoodi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM