Ciidamadda Soomaaliya oo degaano ka qabsaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay la wareegeen gacan ku haynta degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaaanda ay qabsadeen ayay ku kala sheegeen; Dharsheenlay, Bandar,Farkeerow, Xera koowaad & Xera labaad oo hoostaga degmada Qoryooley ee isla gobolkaas.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa laga soo xigtay in ciidanka ay tuulooyinkaas kawada howlgal lagu sugayo amniga.

Bayaanka wasaaradda ayaanan lagu xusin in dagaal ay kula wareegeen ama in ay si nabdoon ku xoreeyeen.

Dadka degaanka ayaa u sheegay GO in askarta ay wataan gaadiidka dagaalka, wallow ay su'aal geliyeen hadii ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama looga bartay in ay kasoo baxaan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada Dowladda oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday Howlgal loogu magacdaray Badbaado, kaasoo ay sameynayaan ciidanka uu Turkiga tababaray ee Gorgor iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM