Ciidamo Ajnabi ah oo Dil iyo Kufsi ka geystay Shabeellaha Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay dil iyo Kufsi ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka.

Tacadiyada ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada ka geysteen degaanka Gay-warow oo ku yaalla duleedka Magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cali Cismaan Aadan, oo kamid ah dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada oo tuuladooda yimid shalay oo Talaado ahayd ay dileen Labo qof, islamarkaana ay dhaawaceen 9 kale, xili uu shaaca ka qaaday inay Kufsadeen Gabar da'yar ah.

“Ciidamada waxaan is-lahayn waxbay qabanayaan, laakiin waxaa dhacday inay si bareer ah u dilaan Labo qof oo shacab ah, ayna dhaawacaan 9 kale oo ay ku jirto Gabar ay kufsadeen,” ayuu Cali Cismaan Aadan ku sheegay wareysi uu bixiyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu shaaca ka qaaday in Gabadha la kufsaday ay da’deeda idhaxeyso 15-sano jir illaa iyo 20, wuxuuna ku nuux-nuux saday in dadka dhaawaca ah iyo kuwa la dilay ay kamid yihiin caruur.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato arrintaan, si gaar ah wuxuu kaga dalbaday maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoos-yimaado gobolka Shabeellaha Hoose inay soo fara-geliyaan arrinkaan.

“Waxa dhibkaan noo geystay waa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda gaara ahaan Booliska ku sugan degmada Qoryooley oo tuuladda weerar kusoo qaaday,” ayuu Aadan raaciyay hadalkiisa.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo arrinkaan ka hadlay ayaa xusay in eedeynta ka imaanaya dadka degaanka Gay-warow ay tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo tilmaamay in ciidamada ay dagaal la galeen Shabaab uuna jiro khasaaro.

AMISOM wali kama aysan hadlin wararka ku saabsan kusfiga la sheegay in Askarteeda ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka howlgalaan Ciidamada kasoo jeeda Uganda iyo Burundi.

Inta badan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka iyo meelaha kale ee dalka waxaa lagu eedeeyaa inay geysteen tacadiyo ka dhan ah Aadanaha, inkastoo dhankooda ay gaashaanka ku dhuftaan eedaynaha loosoo jeediyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM