Ciidamo gadood ka sameeyay magaalo uu booqdey Laftagareen

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Boqolaal ciidamo ah ayaa maanta oo Arbaco ah gadood ka sameeyey magaalada Diinsoor ee gobolka Baay xili uu halkaas ku sugan yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa magaaladaas u tegay caleema saarka gudoomiye cusub oo ay dhowaan doorteen Golaha Degaanka.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta gadoodey ay hakiyeen isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Kahor inta aysan magaalada soo gelin, Laftagareen ayaa balanqaadey in uu kala xaajoon doono tabashooyinka mushar la'aanta. Balse, hogaamiyaha waxaa tilmaamay in uu ku guuldareystay arrintaas.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo lagu tababaray gudaha magaalada ayaa tiradooda waxay gaareysaa 500, sidda uu GO fahansan yahay.

Diinsoor ayaa waxay kamid tahay magaalooyinka maamul goboleedka xaruntiisu tahay Baraawe ee go'doonka ugu jira maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Sikastaba, mushahar la'aanta ay ka cabanayaan ciidamada ayaa timid xili maamulka uu horey u shaaciyey in askarta uu si joogto ah u siiyo gunadooda, balse tani waxay meesha ka saareysaa sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM