Ciidamo hubeysan oo laga mamnuucay in ay galaan Stadium Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa loo qaadey "si loo ilaaliyo badqabka Kumanaanka Tageerayaasha Kooxaha ee garoonka tagaya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa Garoonka Stadium Muqdisho ka mamnuucday in Ciidamo hubeysan ay gudaha u galaan.

Warka qoraalkan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu caddeeyay in talaabtan loo qaadey si loo ilaaliyo badqabka Kumanaanka Tageerayaasha Kooxaha ee garoonka tagaya.

HOOS KA AKHRISO NUXURKA BAYAANKA

1- Waxaa gudaha garoonka laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee faraha badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.

2- Waxay wasaaraddu diyaarisay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa. 

3-Ciidanka iyo hubka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore ee garoonka.

4- Waxaa Amaanka Garoonka Iyo Nawaaxigiisa Masuul ka ah , Hay’adaha Amniga Ee Gobolka Banaadir . 

5-Sidoo kale Wasaaraddu, waxa ay u fududayneysaa Taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir. 

"Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay bogaadinaysaa hay’adaha amaanka ee shaqada adag haya iyo shacabka jecel isboortiga," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM