Ciidamo Itoobiyaan ah oo bandhow ka dhaqan geliyay degmada Doolow

Image
Bandowga ayaa looga hortagayaa weerarada ka dhanka ah dadka Oromada ah ee ku sugan gobolka Gedo.

Doolow, Soomaaliya - Ciidamada Itoobiya ayaa bandow rogay magaalada Doolow ee degmada Gedo ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, kaasoo ka dhashay caro dadweyne, maadaama ciidamadan aysan ka tirsaneyn ciidamda ATMIS.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa dadka ku dhaqan Doolo ku qasbaya in ay guryahooda ku noqodaan xilli hore, sida ay ku soo warrameen dad ku sugan magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayay ciidamdan ku guuleysteen in ay dhaqan geliyaan bandowga, iyaga oo howlgallo ka sameeyay xaafadaha kala geddisan ee degmada Doolow.

Ciidamda Itoobiyaanka ayaa la sheegay in bandowga uga hortagayaan weerarada ka dhanka ah dadka Oromada ah ee ku sugan gobolka Gedo, kaasi oo ku bilawday dil loo geystay 5 Itoobiyaan oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla Degmada Beledxaawo.

Talaabooyinkan ayay Soomaalidu siyaabo kala duwan uga falceliyeen baraha bulshada, iyagoo qaarkood dalbanayay in la xaddido dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanka ku dhaqan gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM