Tirada askarta lagu dilay qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in Isniinta maanta ah lagu qarxiyey duleedka magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay Miino dhulka lagu duugay ayaa cutubyadda kula qaraxday Isbaaradda Siinka Dheer, sidda ay soo wariyeen goobjoogeyaal ka akdhow meesha ay wax ka dhaceen.

"Qaraxa kadib waxaa xigtay rasaas culus. Balse ma cadda hadii ay ahayd iska hor-imaad iyo in kale. Khasaaro waa jiraa laakiin lama xaqiijin karo," ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed, goobjooge.

Balse illo dhanka amniga ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in shan askari ay ku geeriyootay weerarkaas, isla markaana tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ammaanka ayaanan wali fahfaahin ka bixin falkaan.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku taalo Isbaarada Siinka Dheer ayaa loo xiray dhismaha ku socda jidkaas oo hakad ku yimid markii ay weeraro ku beegsatay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarta mas'uuliyadda dhacdooyinka noocaan ah.

Bishii hore ee Janaayo, dhowr qarax oo lala eegtay ciidamo isugu jira boolis iyo milatari ayaa galaaftay nolosha askar badan, waxaana wali Isbitaalada jiifa tiro kale oo ku jira xaalad soo kabasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM