Ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo loo daabulay Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Cutubyo kamid ah howlgalka nabad-illaalinta Midowga Afrika ayaa lagu waramayaa in ay gaareen magaalooyin ka tirsan Galmudug sidda Dhuusamareeb.

Ma cadda hadii daabulitaankooda uu yahay mid rasmi ah ama in uu ku meel gaar yahay, walina ma jiro war rasmi ah oo taliska guud ee AMISOM kasoo baxay, illaa iyo hadda.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay ka qeyb-qaadan doonan sugitaanka nabad-gelyadda inta uu socdo shirka balaaran ee dib u heshiisiinta loogu soo sameynayo bulshooyinka maamulka.

Jimcadii waxaa xarunta gobolka Galgaduud tegay taliyaha howlgalkan, Tigabu Yilma, kaasi oo la kulmay wasiiro ka tirsan maamulka iyo xukuumada federaalka.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ciidamada gaarey caasimadda Galmudug ay isugu jiraan Itoobiyaan iyo Jabuuti kasoo kicitamay magaaladda Beledwayne, gobolka xarunta Hiiraan.

AMISOM oo dalka si rasmi ah uga howlgal bilaabowday sanadkii 2007-kii ayaa waajibaadkooda wuxuu yahay nabad-ilaalin, wallow kolkii dambe loogu daray guluf ka dhan ah maleyshiyaadka AlShabaab.

Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in ciidamada ay degaanada dowlad goboleedkan baaqi kusii ahaan doonan inta ay ka qabsoomeyso doorashadda baarlamaanka iyo madaxtooyada Galmudug.

Daabulitaanka AMISOM ayaa timid ka gedaal markii ay is-afgarad uu dhex-maray Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka. Hogaanka ururka oo ka biyo diidanaa arrintan waa lagu qanciyey aakhiritaanka.

Villa Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysay sidii ciidamada shisheeye loo geyn lahaa Galmudug xili warbixinada ay qeexayaan in socdaalkii ugu dambeeyay ee Farmaajo ku tegay Jabuuti uu ajendaha kamid ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM