Ciidamo loo tababaray Koonfur Galbeed oo "ku xaniban" Muqdisho

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in askar loo tababaray xoreynta gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed ay ku xaniban yihiin Muqdisho.

Mudaneyaasha ayaa sheegay in sababta keentay in ciidamada lagu hayo caasimada ay la xiriirto qalab iyo hub la'aan.

Sharci-dejiyeyaasha oo degaan doorashadoodu tahay gobolkaas ayaa soo jeediyey in si degdeg ah loo ambabaxiyo ciidamadaas.

Cutubyadan oo tababar shan bilood ah ku qaatay Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye waxaa tababarka u soo xiray madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo xaqiijiyey warkaas ayaa eedeeda dusha ka saarey dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed.

"Maadaama ay iyagu qaadeen mas'uuliyadii dadka waa in ay arrintaas wax ka qabtaan, waxaana codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo ambabaxiyo si dhibaatada uga dulqaadan shacabka," ayuu xusay.

Shabeellaha Hoose oo kamid yahay gobolada ugu ammaanka ugu liita koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ku xoogan Al-Shabaab oo todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro ka dhan ah saldhigyada iyo shacabka.

Asbuucii hore, degaanada Sabiid iyo Caanoole waxaa la sheegay in goob MCJ ah lagu dhex-dilay nabadoono, halkaas gabaad u raadsaday.

"Anagoo ku abaal-dhaceyn oo aan ognahay in ay waxay qabteen sidda Haramcad iyo Danab, haddana waxaan dooneynaa in kuwa booliskana ka howlgeliyo, si magaalooinka u xasiliyaan," ayuu kusoo xiray.

Ugu dambeyntii, mar la waydiiyey sababta aysan Xildhibaanada isu xilqaamin oo aysan qeyb ka qaadan bixinta lacagtaas ayuu ku jawaabay "horey looma sheegin Xildhibaano hub iibinaya, dowladana kuma filnaaweyn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM