Ciidamo loogu magacdaray "Nabad ku Afur" oo lasoo bandhigay

Image
Ciidankan la dhaariyay ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa saddex boqol askari ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka qeybgalay Manaasabada Dhaarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee shalay loogu soo xiray Dugsiga Tababarka S/guuto Kaahiye.

Munaasabada dhaarinta Ciidankan waxaa ka soo qeybgalay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed  iyo saraakiil kale.

Ciidanka maanta la dhaariyay ayaa gaarayo 300 waxaa ay ka mid Noqondoona Ciidamada Nabad ku Afur ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku waasi oo kaalin Buuxda ka qaadan Doono Sugida amniga Caasimada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Rabadaan.

"Muwaadin ka qeyb Noqo sugida amniga lana wadaag Ciidamada amniga hadaad aragto wax lid ku ah amiga si aan meel uga soowada Horjeesano dhagarta kooxda Khawaarijta ee dhibaada kuhaya shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM