Ciidamo loosoo dirayo Soomaaliya oo sharaxaad dheeri ah laga bixiyey

Image
Madaxda saddexda dal ayaa ka qeyb galay shir madaxeed uu 1-dii bishii Febraayo ee sanadkan martigeliyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddexda dal ee deriska ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo cusub ku biirinaya wejiga xiga ee howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in askarta ka imaanaysa dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay yihiin kuwa aan xubin ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

"Waa qorshahooda inay ku yimaadaan gudaha Soomaaliya siddeed toddobaad gudahood," ayuu yiri. Cali waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada rasmiga ah ee ciidamada imaanaya, isaga oo ku sababeeyay “ujeedooyin shaqo”.

Wuxuu raaciyey: "Doorkooda waa in ay si wadajir ah u qorsheeyaan oo ay si wadajir ah ula howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Marka, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab iyagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya, qorshaha waa sidaas".

Madaxda saddexda dal ayaa ka qeyb galay shir madaxeed uu 1-dii bishii Febraayo ee sanadkan martigeliyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. War-murtiyeed ay soo saareen xilligaas, ayay ku sheegeen in ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo qorsheeyo olole xooggan oo lagu “baari karo laguna burburinayo” Al-Shabaab oo ka socda dhowr jiho.

"Ololaha xasaasiga ah ee waqtiga ayaa ka hortagaya wax kasta oo mustaqbalka ku soo qulqula gobolka ballaaran," ayaa lagu yiri war-murtiyeedkan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in uu waqti badan gelin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkan 2023 isla markaana uu degaanada laga saaro la gaarsiin doono gurmad iyo dowladnimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM