Ciidamo u dhashay Jabuuti oo lagu weeraray bartamaha Somalia

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jid-gal ah oo xalay Al-Shabaab ku qaadey kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo u dhashay Jabuuti xilli ay ku safrayeen gudaha gobolka Hiiraan.

Mire Xussen Siyaad, oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Jalalaqsi ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in ciidamada loo galay wadada u dhaxeysa Buurane iyo Fiidow, halkaasi oo ka dhacay dagaal culus oo khasaaro sababay.

Gudoomiye Mire ayaa meesha ka saareyay warar sheegaya in Iska hor-imaadka lagu dilay dhowr Askari oo katirsan ciidamada Jabuuti, waxaana uu xusay in warkan uu yahay mid been ah oo Al-Shabaab baabisay.

Ciidamo kale oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay la socdeen kuwa Januuti oo xilli weerarka ka yimid dhinaca degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuna sii jeeday gobolka Shabeellaah Dhexe.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada Kolonyada gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia xilliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira degmooyinka gobollada Koonfurta Somalia ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM