Ciidamo uu Mareykanka u tababaray Soomaaliya oo qaraxyo lagu laayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Sabtida maanta ah gobolka Shabeellaha Hoose iyo duleedka magaaladda Muqdisho.

Al-Shabaab oo mas'uuliyadda qaraxii koowaad sheegatay ayaa xustay in ay ku dishay saddex sarkaal oo kamid ah ciidanka uu Mareykanka tababaray ee loo yaqaano Alpha Group.

Weerarkan oo ka dhacay degaanka Jaziira ayaa saraakiisha lagu khaarijiyey waxaa lagu kala magacaabaa; 1-Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo 3-Sharmaarke, sida ay Shabaabku shaaciyeen.

Dhinaca kale, qarax kale oo ciidamo ka tirsan guutada Danab oo uu Mareykanku tababaro ayaa waxaa lagula eektay meel ku dhow degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyey afar askari oo ay ku jirto haweenay sarkaalad ahayd ayaa ku naf-weysay dhacdadaas, xili dhaawaca uu gaarayo illaa iyo shan.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhanka milatariga ah, bukaanadda ayaa loo qaaday Isitaalka ciidanka xoogga ee ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, balse saraakiisha ayaa ku eedeeyay maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii in ka badan sideed askari oo ka tirsanaa Danab lagu laayay meel ku dhow degaanka Weydow ee Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay shan kale.

Isla isbuucii hore, saddex askari oo kamid ahaa booliska sida gaarka ah tababaran ee Soomaaliya, kuwaasi oo uu soo saarey Turkiga, ayaa lagu dilay Siinka Dheer, duleedka magaala madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM