Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee Beled-Xaawo oo la xiray [Akhri Sababta]

Image

BELED-XAAWO, Soomaaliya - Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa xiray xuduuda Soomaaliya iyo dalka Kenya xilli uu jira khilaaf xooggan oo u dhaxeeya maamullada magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegay in xeritaanka Xuduuda ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaasi Ganacsi isaga kala gudbi jiray labada dal iyo waxbrashada caruurta ku nool Beled-Xaawo u aadi jireen dhanka Mandheera.

Ganacsatada ayaa la siiyay mudo saddex maalmood si ay Ganacsigooda iyo hantidooda ay ugala soo baxaan labada dhinac, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in saaka Qaadkii ka imaan jiray Kenyan uusan imaan saaka gobolka Gedo.

Waxaa hakad ku jira maalintii 2aad isku socodka Ganacsiga iyo Waxbarashada magaalooyinka Mandheera iyo Beled-Xaawo, taasi oo saameyn xooggan ku yeelatay shacabka labad dhinac.

Maamulka Jubbaland wali ma uusan sheegin waqtiga ay sii xirnaan doonto Xuduuda, oo ah mid muhiim ah oo shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool labada magaalo ee Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Khilaafka maamullada degmooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera oo mudo soo jiitamayay, ayaa salka ku haya derbiga Kenya ay ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya,

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM