Ciidan dharcad ah oo "lagu daadiyey jidadka Muqdisho"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku daabushay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho dabley dharcad ah si ay uga hortagaan banaanbaxyadda, sidda uu sheegay musharax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa daaha ka rogay in qorsheyaasha kale ee askartaas dharka shibilka ah wada waxaa qeyb ka ah "in ay caburiyaan rayidka mudaaharaadaya".

Hadalka wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa yimid markii shalay ay baraha bulshadda qabsadeen sawirada ruux wata bastoolad kaasoo isgoyska Banaadir ku kala eryaya dadweynaha isu soo bax sameynayey.

Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in ruuxaas uu ka tirsan yahay hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka.

"Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka. Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay xabadeeyaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Agaasimaha hay'adda sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, iyo taliyaha booliska, Cabdi Xijaar, ayuu ka dhawaajiyey in ay qaadayaan mas'uuliyada " dhibkii soo gaara [mudaaharadayaasha].

Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaadka yahay ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin eedeynta musharaxa madaxweyne.

Maalmihii lasoo dhaafay caasimadda Muqdisho ayaa martigelineysay isu soo baxyo shacabka ku dalbanayaan in doorashooyinka 2020-21 ay si nabad ah ku qabsoomaan maadaama is-qabqabsi uu ka taagan yahay coddeynta qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM