Ciidanka AMISOM oo shacab ku laayey Muqdisho kadib qarax lala eegtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu waramay galabta ay todoba qof oo shacab ah ay ku dileen degmada Hiliwaa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilkaas ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii qarax miino lala eegtay kolanyo ay la socdeen ciidamadda shisheeye.

Goobjoogeyaal kala duwan ayaa waxay u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka lagula eegtay inta u dhaxeysa Warashadii hore ee Xeela Bariise iyo xarunta degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

"Qaraxa miinada ayaa haleelay gaari Booyad ah oo kolanyadda kamid ahaa, waxaana halkaas ku naf-waayey hal askari; kadibna ciidanka AMISOM waxay toogteen qof shacab ah," ayay daaha ka rogeen.

Sidda laga soo xigtay warbixinada, ciidan kale oo gurmad ahaan ugu yimid kolanyadda la qarxiyey ayaa rasaas ku furay dad shacab ahaa kuwaasoo ka akdhowaa meesha, waxaana ku dhintay 6 rayid ah.

"Ciidamadda xabadeeyay dadka shacabka ah waxay kasoo baxeen xera Maslax, isla goobtooda ayayna ku laabteen, halka kuwa kale ay socdaalkooda horey u sii wateen," ayay raaciyeen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir iyo taliska AMISOM.

Dhacdooyinkaan ayaa kusoo laab-laabtey Muqdisho, iyaddoo dowladda federaalka ay ka gaabisay in ay cadaalad helaan muwaadiniinta ay dileen ciidanka dalka u jooga nabad-ilaalin iyo la dirirka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM