Ciidanka DF iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iska hor'imaad u dhaxeeya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxaysay Beled-Xaawo oo katirsan gobolka Gedo iyo degmada Mandheere.

Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo banaanbax ka dhigayay xuduuda labada dal, iyagoo ka caraysa afduub iyo dil loo geystay dad shacab ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ugu jawaabey kuwa Kenya markii ay shacabka tacshiidda ku fureen, waxaana sidaasi ku billowday iska-hor'maadka dhacay saakay, kaasoo la sheegay inuu geystay khasaarooyin kala duwan.

"Shacabka ku dhaqan magaaladda Beled-Xaawo ayaa maanta dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay dil iyo afduub ay u geysteen dad badan oo rayid ah oo ku sugnaa degaanka Yado," ayuu yiri goobjooge la hadlay Garowe Online.

Meydka qof kamid ah saddex ruux oo Ciidanka Kenya maalmo kahor ka afduubeen degaanka Yado ayaa lagu soo tuurey magaaladda Ceel-Waaq, waxaana arintaasi dhalisay carro dadweyne iyo dibadbax ka socda degaanka xuduuda ku yaalla.

Dibadbaxayaasha ayaa ku tilmaamey Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo inay yihiin cadow, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka in la geeyo magaalada boolis, si looga ilaaliyo amniga muwaadiniinta. Waxay sidoo kale dalbadeen in cadaalad ay helaan dhibanayaasha.

Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku howlan joojinta rabashada socda, iyadoo dhinaca Militeriga Kenya kala shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa dadka maqan, oo la rumeysan yahay inay xabsi ku jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM