Ciidanka Kenya oo lagala wareegayo amniga magaalada Ceelwaaq

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada u dirtey ciidamo kuwaas oo mas'uuliyada ammaanka la wareegaya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd ciidamo cusub geysay magaalada Ceel-waaq, si ay mas'uuliyada amniga ugala wareegaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista ciidamadda ATMIS kuwaas oo qorshuhu yahay in ay dalka ka baxaan marka la gaaro dhamaadka sanadkan 2024-ka.

Sidoo kale, talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa maalmo kadib markii Midowga Afrika uu meelmariyay howlgalka badali doona ATMIS kaas oo kaliya ah in magacii iyo waajibaadkii dib-u-habeyn lagu sameyn doono.

Iyadoo lagu salaynayo hadallada madaxda Soomaalida, mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka ayaa ah in Itoobiya aysan qeyb ka ahaan doonin howlgalka cusub "haddii aysan bedelin mowqifkooda ku aaddan Is-afgaradka.”

Dhinaca kale, ciidamo badan oo Ethiopian ah ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay in lagu arkay magaalada Matabaan ee Soomaaliya, sida dadka deegaanka.

Mid ka mid ah saraakiisha deegaanka ayaa laga soo xigtay in ciidamada Itoobiya ay dib u laabteen ka dib markii ay la kulmeen madaxda iyo odayaasha deegaanka.

Shalay oo Isniin ahayd ayaa ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa sidoo kale soo gaaray nawaaxiga magaalada Doolow ee dalka Soomaaliya. Saraakiisha Itoobiya ayaa la sheegay in ay la kulmeen odayaasha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM