Ciidanka oo guulo ka sheegtay howlgalo ay ka fuliyeen Hiiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo wuxuu ka sheegtay howlgal la sheegay in milatariga uu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyey gobolka Hiiraan ee maamul goboleeda HirShabelle.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka taliska ayaa lagu caddeeyay in gulufkaas oo ka dhacay duleedka degmadda Buula-barde ay ku dileen 30 dagaalame Al-Shabaab ah. Balse, ma aysan soo bandhigin caddeymo.

"Ciidanka XDS iyo shacabka ku dhaqan Degmada Buulabarde oo iskaashanaya ayaa waxay weerar ku qaaden kooxda Nabad diidka Alshabab oo ku sugnaa degaanka Ceelbacad oo dhanka bari kaga beegan Degmada Buulabarde, Ciidanka ayaa halkaas ku dilay 30 aragagixiso," ayaa lagu yiri qoraalka oo ku qornaa luuqadda Afka Soomaaliga.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashaddan oo illaa hataan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Isla bishan July 26-keeda ayay ahayd markii talisku shaaciyey in ay beegsadeen fariisin ay maleyshiyadda ku lahayd qaybo kamid ah gobolka Hiiraan. Balse ma uusan soo bandhigin waxyeeladda uu sababay howlgalka.

"Howlgal Qorshaysan oo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5aad Qeybta 27aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Hiiraan ay ku qaadeen Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanayay Deegaanada Madhooy Hees iyo Deegaano kale oo hoosyimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan," ayuu xilligaas shaaciyey taliska.

Maalin kahor howlgalkaas, ciidamada ayaa soo bandhigay Cali Maxamuud Aadan kaasoo ay ku sheegeen dagaalame xubin sarre ka ahaa Al-Shabaab si gaar ah maleshiyadda ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

"Ciidanka XDS ayaa Gacanta ku dhigay Horjogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta Gobolka Shabellaha Hoose. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu Qabtay Cali Maxamed Aadan oo Magaca Afgarashada seed Xaaris," ayaa sidoo kale talisku yiri 25-ka bishan July, sanadka 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM