Ciidanka oo sheegtay "dilka" laba horjooge Al-Shabaab ah

Image
Labada hogaamiye ayaa la sheegay in ay qaabilsanaayeen uruurinta lacagaha baadda ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen "laba horjooge" oo ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan oo la sheegay in uu ahaa mid "guuleystay" ayaa, sidda ay warisay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA, wuxuu ka dhacay degaanka Dhursheenshiblee ee gobolka Bakool.

Horjoogeyaasha lagu waramay in lagu khaarijiyey howlgaladan oo aysan wali ka hadlin xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Mooragaabay iyo Cali Garweyne.

Mooragaabay iyo Garweyne ayaa la wariyey in ay qaabilsanaayeen uruurinta lacagta baadda ah. Degaanka howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 35 KM wuxuu u jira Xuddur.

"Ciidanka ayaa sidoo kale waxay kasoo furteen horjoogiyaasha la laayay hubkii ay siteen, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka intii howlgalku socday," ayay raacisay warbixinta wakaaladda SONNA.

Sarkaal ciidan ayaa laga soo xigtey: "Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool".

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo kamid ah degaanadda Koonfur Galbeed ay ka socdaan abaabul xooggan kaasoo la sheegay in la doonayo in lagu bilaabo howlgalo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM