Ciidanka Soomaaliya oo "dilay" xubno Al-Shabaab ah

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo Jimcadii ay ka fuliyeen duleedka magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkaas waxaa si wadajir ah u fuliyey milatariga Soomaaliya iyo ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ibraahim Aadan Cali, taliyaha ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee Diinsoor, ayaa shaaciyey in howlgalka ay ku beegsadeen xero maleyshiyada lahayd halkaas oo uu tibaaxay in ay ku maleegayeen howlgal ka dhan ah ciidanka dowladda.

Sidda laga soo xigtay sarkaalka, howlgalkaas waxaa ka dhashay iska-hor-imaad sababay khasaaro kala duwan – soona gaarey labada dhinac.

"Waxaa jira iska-hor-imaad xoogan oo dhexmaray ciidamada iyo mitidiinta, balse waxaanu ka awood-roonaanay waxaana ka dilnay shan dagaalame oo ay ku jiraan laba horjoogeyaal," ayuu hadalkiisa ku daray taliye Ibraahim.

Mr Ibraahim ayaa intaas ku daray in ay ku raadjoogaan maleyshiyo kale kana tirsan Al-Sabaab kuwaas oo uu tilmaamay in ay baxsadeen.

Taliyaha oo aan soo hadal-qaadin khasaaraha dhankooda soo gaarey ayaa sidoo kale wuxuusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa. Dhanka kale, ma jiro war ay Al-Shabaab kasoo saartey howlgalkaas.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey dagaalo u dhaxeeyay dowladda iyo Al-Shabaab ah – oo tan iyo 2011 ka dagaalameysa gobolada markii laga saarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM