Ciidanka Soomaaliya oo guulo ka sheegtay weerar uga yimid Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay weerar xalay saqdii dhexe ay xubno Al-Shabaab ah ku beegsadeen saldhiga guutada 14-ka October ee degaanka Ceel-jaale, gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Macow, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in ay iska caabiyeen weerarkaas.

Taliska ayaa soo bandhigay shan meyd oo uu ku sifeeyay qaar kamid ah dagaalameyaasha bartilmaameedsaday xeradaas ciidan iyo hub ay "ka furteen".

Hase ahaatee, ma jiro illo madaxa-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda ciidamadda iyo khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerartay saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Daynuunay, gobolka Baay, halkaasoo lagu dilay shan askari, wallow taliska ciidamadda uu waxba kama jiraan ku qeexay arrintaas.

Ceel-jaale, waa degaan xeebeed hoostaga magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhowr jeer weeraro noocaan ah ku ekeeyay ururka Al-Shabaab, inkasta oo waxyeeladda ay labada dhinac soo gaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM