Ciidanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya dhoola tuska ciidan ee ugu horeeya ee dalka dibadiisa ah

Image
Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus ciidan uga qeyb-galaya dalka dibadiisa ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa kala dardaarmay Ciidamada ka qeyb galaya carbiska in ay tusaale u noqdaan sharafta iyo karaamada Qaranka iyo Ciidanka Soomaaliyeed.

Taliyaha xoogga dalka ayaa xusay guulihii ay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ka gaareen dagaalladii 1977-kii, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ku daydaan.

“Waxa la iska rabo markaa halkaas tagtaan waa adkeysi, dulqaad, iyo Akhlaaq, iyo inaa la dhihin ciidamada Soomaaliya ma helin tababar ku filan”. Ayuu raaciyay Taliyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM