Ciidanka Soomaaliya oo "qabtey" gaari qarax lagu raray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Axada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in uu degaanka Cad-cadey, duleedka degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Idaacadda ku hadasha afka milatariga Soomaaliya ee xarunteedu tahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa warisay in gaarigaas uu kusoo wajahnaa magaala madaxda dalka. Balse masoo bandhigin bartilmaameedka weerarkaas lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab.

"Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab waxay fashiliyeen weerarkaas argagixiso iyaga oo kaashanaya dadka degaanka Cad-cadey oo gaariga Hoomeyda ee la miidaamiyey in lagu diyaarinayey kuna wajahnaa Muqdisho," ayuu yiri sarkaal aan la magacaabin oo Danab ka tirsan.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka. Al-Shabaabna wali kama falcelin dhawaqa taliska Danab.

Sheegashadda ayaa imaaneysa xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay Xerada Xalane ka imaanayeen digniino ku aadan in Al-Shabaab ay weeraro ka fulin karto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay, ku dhowaad tobban kale way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin oo shalay ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho. Gaariga qarxay waxay ciidamadda kasoo eryadeen nawaaxiga isgoyska Dabka taas oo keentay in dadka ay ka kala cararaan.

Horaantii bishaan Febraayo, ku dhowaad tobban ruux ayaa ku naf-weyday, tirro kalana waxaa loola cararay goobaha caafimaad ka gedaal markii Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilwodey ku ekeysay Huteel Afriik ee bartamaha Muqdisho gaar ahaan jidka garoonka Aadan Cadde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM