Ciidanka Soomaaliya oo tuulo muhiim ah ka qabsaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milagariga oo taageero ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa dharbaaxo kulul gaarsiiyey maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab markii ay ka qabsadeen Arbacadii tuulo muhiim ah.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in xoogaga uu Mareykanka tababaray ee Danab ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Bariire, taasi oo 60 KM dhanka Galbeed uga beegan Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada ayaa lagu tilmaamay in qabshada tuuladaasi ay Istaariiji ahaan dhabar jab ku tahay kooxda oo muddo ka badan tobban sano ka dagaalameysa Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa degaanka Bariire waxaa u tiilay Jidgooyo ay lacago baad ah uga qaadi jirtay gaadiidka kusoo wajahan caasimada dalka iyo kuwa kale ee kusii jeeda degaanada kale ee gobolada Koonfur Galbeed.

Indhowaanahaanba, ciidamada xoogga Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa degaano muhiim ah ka qabsanayey dagaalameyaasha Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartaha dalka ku xoogan.

Bariire, tuulo hoddan ku ah beeraha, ayaa bishii May 2017-dii waxay Al-Shabaab ku dishay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Kyle Milliken oo ahaa 38-sano jir.

Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa goor dambe xaqiijisay dhimashada Kyle Milliken oo la socday ciidamo aagaasi u tegay howlgal.

Milliken ayaa ahaa askarigii ugu horeeyay ee Ameerikaan ah kaasi oo dagaal lagu dilay tan iyo iska hor-imaadkii dhimashada badan dhaliyey ee Muqdisho ka dhacay 1993 kaasi oo laga sameeyay Flim-ka Black Hawk Down.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM