Ciidanka xooga oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Image

MARKA, Soomaaliya - Taliska Guutadda 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgalo ay fuliyeen degaanadda Gandershe iyo Jilib Marka oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ururka 15aad ee qeybta 12-April ee Ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Guutaale ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in howlgaladaan ay ku "burburiyeen" xarumo ay degaanadaasi ku lahayd Kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in saldhiyadda ay cagta mariyeen ay ahaayeen kuwa Al-Shabaab ka abaabuli jirtay weerarada ay ka fuliso gobolka, iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, sida magaalada Muqdisho.

"Ciidamada xooga dalka oo aan wehlin AMISOM ayaa howlgaladaan ka fuliyay Gandershe iyo Jilib Marka, iyagoo beegsaday fariisamaha Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jirta weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidamada," ayuu yiri Guutaale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlaladda ay iska-caabin kala kulmeen Al-Shabaab, islamarkaana ay labada dhinac dagaal kooban uu ku dhexmaray degaanadan, uu Taliyaha sheegay inay weerarka ku qaadeen.

Labadan degaan ayaa waxay dhacaan xeebta dheer ee u dhaxaysa Muqdisho iyo magaaladA Marka, oo ah caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin sheegashooyinka ka imaanaya Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, ee ku aadan in laga burburin fariisamo gobolka ku lahaa.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ugu amaanka xun Soomaaliya, waxaana qeyb ahaan xukunta Al-Shabaab, inkasta oo dowladdu wado olale ay ku dooneyso inay ku xorreyso gobolka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM