Cilad ku timid Diyaarad uu la socday gudoomiye baarlamaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Xildhibaanno badan ayaa Maanta cilad soo wajahday iyagoo hawada sare ku jira.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah labada matoor ee ku duulaysay diyaaradda uu demay xili ay kusoo dhawdahay magaaladda Beledweyne, kana timid Jowhar.

Duuliyaha, sidda ay xoguhu muujinayaan, ayaa diyaaradda ku deg deg ah ugu dejiyay Garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde.

Diyaaradda oo halis gelisay nolosha rakaabka ayaa lagu farsameynayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana maanta dib u dhacay safarkii mas'uuliyiinta ay ku tagi lahaayeen Beledweyne.

Diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya ayaa ah kuwa duugoobey, oo aan ku jirin wax caymis ah, iyadoo ay soo badanayaan mudooyinkii dambe ciladaha ku imaanaya xiliga duulimaadka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dhowr diyaarad ayaa ku dhacday magaalooyinka ku yaalla dalka oo Beledweyne ku jirto.

Ma lahan dalka hay'ad awood u leh inay hubiso tayada diyaaradaha ka shaqeeya dalka, waxaana midan ay keentay in diyaarad kasta oo caalamka laga soo mamnuuco in loo soo diro Soomaaliya, oo halis la gelinaya nolosha muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM