Cirro oo si dadban u duray hogaamiyeyaasha maamuladda

Image
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban heer federaal, Maxamed Xasan Ciro. [Photo: Internet]

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban heer federaal, Maxamed Xasan Ciro, ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu jiro qorshe madaxda maamulada ay kula wareegayaan 60% maamulida xulista Aqalka Hoose.

Sida laga soo xigtay Cirro, mowqifka guddiga ee ku aadan arrintan waa uusan marnaba ogolaan doonin "maadaama ay khatar ku tahay daahfurnaanta doorashooyinka".

"[Kuraasta] beelaha ayaa iska leh. Qabaa'ilka in loo madax-banaaneeyana waa hufnaanta doorashadda. Annaga guddi ahaan ma aqbali karo in [xulista] Aqalka Hoose loo gacan-geliyo madaxda maamulada sidda Aqalka Sare," ayuu yiri.

Dhawaqa Cirro wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qaar kamid ah maamulada dalka ay bilaabeen xulista Aqalka Sare ayna sida ay wax u socdaan walaac ka muujiyeen xubno kamid ah musharaxiinta oo la filayo in ay berry bayaan soo saaraan.

Wallow uusan mid gaar ah carabaabin, hadalka Cirro ayaa wuxuu umuuqdaa in uu si dadban u durayo qaabka ay illaa haatan wax u wadaa dowlad goboleedyadda bilaabay xulista xubnaha Aqalka Sare.

Tartan "cadaalad ah waa muhiim"

Wuxuu ku daray: "Doorashadda waxay macno ku sameynaysaa in loo tartamo. Madaxweynaha maamul goboleed kasta [waa in uusan] ka reebi karin tartanka qofka uu neceb yahay sidaas ayaa doorasho la dhihi karaa"

"Laakiin doorasho laguma tilmaami karo ninkii rabana waan ku darayaa, qofkii aan necbahayna waa ka reebayaa," ayuu hadalkiisa raaciyey guddoomiyaha.

Cirro oo u waramay telefishinka Universal ayaa rumeysan in "hanaankan nin jeclaysiga ah" uu khatar ku yahay jiritaanka Soomaaliya "xudunta xasilooni darada dalkuna ay tahay is-dabamarn iyo murano ka dhashay doorashooyin".

"Mar kasta oo aan doorashada iska hagaajino waa mar kasta oo aan dadka Soomaaliyeed isku soo dhaweynayno. Mar kasta oo aan ogolaano in wax la is-dabamariyo waa mar kasta oo aan khatar-gelinayno dalka iyo dadka," ayuu ka dhawaajiyey.

Guddiga doorashooyinka heer federaal waa mid farsamo kama hadli karaan arrimo siyaasadeed. Geedi-socodka doorashada waxaa mas'uul ka ah hogaanka golaha wadatashiga qaranka oo siyaasad ahaan uga heshiinaya si guud habraaca coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM