Cisbitaalka Beledweyn oo saamayn ka soo gaaray Fatahaada Wabiga Shabeelle

Image

BELEDWEYN, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku waramaya in isbitaalka magaalada Beledweyne uu ku soo rogmaday daadad oo sababay burbur xooggan oo soo gaaray dhammaan qeybaha kala duwan ee Cisbitaalka.

Sawirro laga soo qaaday gudaha Isbitaalka ayaa muujinayay in biyo ay buux dhaafiyeen dhammaan qolalka, bakhaarka daawada iyo goobo kale oo caafimaad.

Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sidoo kale sababay in suuqyada ganacsiga ay xirmaan, isu socodkii magaaladana uu joogsaday, iyadoo dadka deegaanka ay ku nool yihiin xaalad aad u adag.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo arrintan ka hadlay ayaa yiri:

"Shacabka reer Baledweyne dhibaato xoog leh ayey ku dhex jiraan, mana lagu fiirsan karo, waxaan rabnaa in gurmad degdeg ah lala gaaro "

Xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne ayaa sidoo kale waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, mana lahan meel ay degaan.

Gobollada dalka ayaa wajahaya daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, oo sababay dhimashda in ka badan 30 ruux, halka ay ku barakaceen 500 kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM