Codeynta hogaanka guddiga kuraasta Somaliland oo la mudeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashadda guddoonka guddiga maamulaya kuraasta Somaliland ayaa loo muddeeyay Sabtida asbuuca dambe iyadda oo coddeynta ay ka dhaceyso xerada Afasiyooni ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargeliyay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka xildhibaannada gobollada Woqooyi in ay u diyaar-garoobaan qabashadda coddeyntaas aadka isha loogu wada-hayo.

Arintan ayaa imaanaysa hal maalin ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu kulan la qaatay 11-ka xubnood ee Guddiga oo horey isugu khilaafay qaabka ay isu dooranayaan kuwaasoo uu kala diray.

Dhanka kale, siyaasiyiinta reer Woqooyiga ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdiilaahi, ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsanayay in 8 kaliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

Maxamed Cabdi Maareeye oo ka mid ah garabka Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa khadka telefoonka ugu warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa caddeeyay in aysan qeyb ka ahayn doorasho aanan heshiis lagu hayn hal dhinacna ah.

Is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa taagan tan iyo sanadkii lasoo dhaafay. Coddeynta waxaa loo balansanaa 2020-21. Hase ahaatee, waxay dib ugu dhacdey arrimo ay ugu horeyso xulista wakiiladda gobolada waqooyi Galbeed.

Khilaafkan haatan soo cusboonaanaya ayaa dib-u-dhac ku keeni kara xulista kuraasta Aqalka Sare oo haatan ka bilaabatay degaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland lana filayo in ay bilaabaan dowlad goboleedyadda kale ee ka jira waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM