Colaad beeleed ka qaraxdey Mudug oo lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay dagaalkan u dhaxeeya beelo walaalaha ah.

GAALKACYO, Puntland - Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay colaad u dhaxaysa Beelo walaalaha ah oo kasoo cusboonaatay deegaanka Af-Barwaaqo ee gobalka Mudug.

Ciidamada isku-dhafka ah ee xasilinta gobalka Mudug ayaa deegaanka gaaray iyaga oo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii halkaasi ay dirirtu ku dhex martay.

Taliyaha ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta gobalka Mudug, Cabdiqani Yaasiin Axmed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamaddu ay kala dhex-dageen beelaha.

"Degaanka Bun-Qalooc ayay ciidamaddaanu saldhig ka dhigteen iyaga oo kala dhex galay beelaha waxaanuna samaynay wacyigelin kooban," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ku lug lahaanshiyaha colaadan ee maleeshiyaadka Shabaab ayuu taliyuhu ku cel-celiyay. "Colaadaha soo laab-laabta waxaa intooda badan ku lug leh kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab waxaanuna ku dadaalnay in aan laga daahin colaadan," ayuu raaciyey.

Afbarwaaqo ayaa waxaa horey usoo martay rabshado u dhaxeeya beelo kuwaasi oo dhacay tobbankii sano ee u dambaysay iyaga oo hoos u dhacay dhawrkii sano ee u danbeeyay.

Reer-guuraaga ayay colaadan ka dhex bilaabatay bilawgii hore iyada oo inta badan ay colaaduhu ka qarxaan ceelasha iyo dhul daaqsimeedka oo ay ku heshiin waayaan dadka wadaaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM