Coronavirus oo saameeyay shaqooyinka xafiisyada dowladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay fasax yihiin shaqaalaha "looga maarmo" xafiisyadda dowlada, si looga hortago faafida fayruska COVID—19.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda qaranka, ayaa go'aankaas shaacisay maanta oo Khamiis ah, 19-ka Maaj, sanadka 2020.

Hakinta xaadiridda xafiisyada dowladda ayaa ku eg 1-da bisha April ee sanadkan 2020, sidda ku xusan warka qoraalka ah.

Hay'addaha kala duwan ee dowladda ayaa waxaa lagu faray war-saxaafadeedka in ay fuliyaan go'aanka ku xusan bayaanka.

"Shaqaalaha caafimaad ayaan iyagu ku jirin hakinta, si ay u gutaan howl maalmeedkooda iyo la tacaalida faafida," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warqadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Talaabadan oo muujineysa in cudurka dilaaga ah uu saameeyay shaqooyinka xafiisyadda dowladda ayaa imaaneysa xili ra'iisul wasaaraha uu horey u amray in la xiro goobaha waxbarashada, laba asbuuc.

Dhanka kale, madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wasaaradaha kala duwan ee maamulkaas wuxuu ku amray in aysan qabin shirar ama siminaaro illaa iyo amar dambe.

Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay u hogaan-samaan dhamaan talooyinka caafimaad loo jeediyo si looga baaqsado in caabuqaas uu saameyn ba'an ku yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidda laga soo xigtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, Coronavirus ayaa aduunka oo idil wuxuu ku galaaftey in ka badan sagaal kun oo ruux, waddanka ugu badan ee uu dadkaas ku laayey waa Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM