Coronavirus: Qaylo-dhaan kasoo yeertay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda Asluubta Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu soo bandhigay amaro ku socda xabsiyadda si looga hortagga faafitaanka xanuunka loo dhinto ee COVID—19.

Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha cutubyadaas oo war-fidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa, ayaa shaaca ka qaadey in la hakiyey booqashada xabsiyadda Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata, taliye Mahad ayaa tilmaamay in go'aankaas uu daba socdo amarkii kasoo baxay Dowladda Federaalka ah oo ahaa in la yareeyo kulamadda dadweynaha.

Balse wuxuu qaylo dhaan xoogan ka muujiyey in aysan wali soo gaarin howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda si ay u gutaan waajibaadkooda.

Joojinta booqashooyinka xabsiyadda ayaa waxay soconeysaa labadda todobaad ee soo aadan, sidda uu xusay taliye Mahad.

"Wali waxaa naga maqan nimankii baaritaanka sameynayey ee Wasaaradda Caafimaadka, marka waxaan u sheegeynaa in ay nasoo gaarsiiyaan dadkaas takhasuska u leh," ayuu raaciyey.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa qorshuhu yahay in ay hubiyaan dadka gelaya xabsiyadda si lamid ah maxaabiista qaarkood iyo guud ahaan ilaaladda xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo uu baaritaan ku socdo in ka badan shan muwaadin kale, kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ayaa dalka laga helay 16-kii bishaan Maaj, taas waxay cabsida iyo walwalka ku kordhisay shacabka.

Xabsiyadda ayaa kamid ah meelaha la tilmaamo in uu ka jiro walaaca ugu badan. Qaar kamid ah wadamada laga helay fayruska waxay sii daayeen maxaabiista, oo ay ku jiraan kuwa loo xiray arrimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM