Costa Rica oo gacanta ku dhigtay nin lala xiriirinayo Al-Shabaab

Image
Cali Cabdinuur Axmed ayaa la sheegay inuu wajahayo su'aallo ku saabsan falalka lagu eedeeyay.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta waddanka Costa Rica ayaa Khamiistii sheegay in gacanta lagu dhigay nin Soomaali ah oo lala xiriirinayo inuu ka tirsan yahay maleyshiyaadka Al-Shabab, sidda ay warisay AFP.

Wasaaradda Amniga Gudaha waddankaas ayaa ninka Soomaaliga ah magaciisa ku sheegtay Cali Cabdinuur Axmed, waxaana ay sheegtay in la xiray 30-kii bishii November.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, Cabdinuur wuxuu ku sugnaa aagga laga galo Xarunta Daryeelka Ku-meel-gaarka ah ee Dadka Muhaajiriinta ah (CATEM) taasoo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda Panama.

Basas ay ka buuxaan muhaajiriin u dhashay Venezuelan kuwaas oo ka yimid Panama ka dib markii ay ka soo gudbeen kaymaha Darien ee ku yaala xuduudka dalkaas uu la wadaago Colombia, iyaga oo ku sii jeeda Mareykanka, ayaa maalin walba yimaada goobtaas.

"Markii ay ka dalbadeen maamulka socdaalka ee xarunta, ayaa la ogaaday inuu hayo digniin caalami ah oo ka timid Xafiiska Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ee Mareykanka," ayuu yiri Wasiirka Amniga Mario Zamora oo muuqaal uu saxaafadda u diray.

"Qofkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshiyaha kooxaha argagixisada," ayuu yiri Zamora. Cabdinuur waxaa loo wareejiyay San José “waxa lagu marsiin doonaa nidaam masaafurin ah," ayuu wasiirku ku daray.

Ururka Al Shabaab ayaa muddo ka badan 15 sano ah waxa ay wadeen kacdoon xoogan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya. Waxay mas'uul ka ahayd weerarrada joogtada ah ee ka dhanka ah ciidamada ammaanka, siyaasiyiinta iyo rayidka.

Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2012, balse waxa ay weli ku sugan tahay dhul aad u baaxad weyn oo miyi ah, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM