COVID—19 oo golaha ammaanka ka baajiyey shir quseeya Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa todobaadkan dib-u-dhigay shirar, sababo ku aadan cabsida faafitaanka caabuqa Coronavirus, sidda uu baahiyey telefishinka CGTN.

Howlgalka Shiinaha ee UN-ka oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ka shanqariyey in talaabadaas ay qeyb ka tahay dedaalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo cudurkaas dilaaga ah.

Balse xubnaha golaha waxay kusii wada xiriiri doonaa isla markaana isku dubin doonan ajandeyaasha shirarka, sidda ku cad bayaanka.

Ajandeyaasha shirarkaas waxaa kamid ahaa qaraaro qabyo ah oo la xiriira Soomaaliya iyo gobolka Darfur ee Suudaan, sidda ku xusan qoraalka oo nuqul kamid ah ay heshay saxaafada.

"Tusaale ahaan, goluhu wuxuu ka jawaabi doonaa weerarkii shalay lagu qaadey howlgalka xasilinta Jamhuuriyada Bartamaha Afrika," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka.

Sidda ku xusan warqadda howlgalka China ee Jamciyada Qurumaa Ka Dhaxeysa, golaha ayaa diyaariyey talaabooyinka la qaadayo todobaadka soo aadan.

Xanuunka COVID—19 oo illaa iyo haatan dunida ku galaaftey in ka badan todoba kun oo ruux ayaa ah nooc kamid ah hergabka, balse qofka uu u dhiman karo maadaama uu wato fayrus khatar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM