​Cudur ka dilaacay Saldhigga Balli Doogle oo dilay labo Askari

Image

MUQDISHU, Somalia- War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in saldhigga Milatariga oo fariisin u ah ciidamada Kumaandoosta Somalia iyo kuwa Maraykanka ee ka gacanta ka siiya tababarka iyo la dagaallanka Al Shabaab uu ka dillaacay curka Daacuunka.

Cudurkaas oo saf-mar ugu dhacay ciidamada dowladda Somalia ee ku jira Saldhigaas ayaa lagusoo waramayaa inay u geeriyoodeen labo Askari.

Goobaha caafimaad ayaa sidoo kale la dhigay 50 kale kuwaasoo xaaladooda lagu tacaalayo gudaha Saldhiga Balli Doogle.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay saraakiisha Saldhigaas iyo taliska ciidanka xoogga dalka Somalia.

Lama oga waxa uu ka dhacay cudurkan oo inta badan geento Bag-teeriyo.

Cudurkan aya ka dillaacay qaybo badan oo kamid ah dalka Somalia, waxaana uu kusoo beegmay xilli dhawaan laga baxay abaar baahsan oo ka jirtay dalka.

Magaalada Burco aya ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurkan, waxaana lagusoo rogay xaalad deg deg ah.

Dhawaan waxaa Saldhigaas booqday RW dowladda Somalia, Xasan Cali Khayre oo dhiirigalin u sameeyay ciidamada saldhigaas ku jira.

Fariisinka Ciidan ayaa ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo maadama ay ku jiraan ciidamo Somalia iyo ajnabi isugu jira. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM